Liverpool oo kula biirtay Arsenal tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Aouar

Kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ee Lyon ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Houssem Aouar .

Hal abuurka khadka dhexe ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxaha ugu sareeya Yurub, laakiin la wareegistiisa ayaa wali la dhaqan gelin.

Sida laga soo xigtay RMC , Aouar iyo Lyon ma awoodaan inay ku heshiiyaan qandaraas cusub.

Hadii uu dib u cusboonaysiin waayo kooxda ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso si ay uga fogaato in ay si xor ah ku lumin xagaaga dambe.

Arsenal ayaa ah kooxda sida weyn u xiiseyneysa Aouar, taasoo soo jirtay labo sano.

Liverpool , Real Betis , Real Sociedad , iyo koox ka ciyaarta Serie A ayaa dhamaantood xiiso u muujinaya Aouar sidoo kale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*