Home Wararka Ciyaaraha Liverpool oo kula xifaaltameysa Rea Madrid saxiixa garabka Bayern Munich ee Serge...

Liverpool oo kula xifaaltameysa Rea Madrid saxiixa garabka Bayern Munich ee Serge Gnabry

0
Ad

Liverpool ayaa dooneysa inay lasoo wareegto garabka Bayern Munich ee Serge Gnabry.

Sport ayaa sheegeysa in Gnabry uu bartilmaameed u yahay Real Madrid.

Ad

Xaalada qandaraaska ciyaaryahanka ayaa keeni karta inuu ka tago Allianz Arena xagaagan. Waxa uu qarka u saaran yahay inuu galo sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Bayern, waxaana xiiseynaya kooxo badan oo Yurub ah.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Real Madrid ay isha ku heyso ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, Liverpool ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ka dib bixitaankii Sadio Mane ( Bayern Munich ) iyo Divock Origi ( AC Milan ).

Gnabry waxa uu ku soo baxay nidaamka Arsenal waxana uu wakhti amaah ah kula soo qaatay West Brom ka hor inta uuna ku laaban Germany.

Previous articleChelsea oo Ake ku daraysa wadahadalada Man City ee Sterling si ay ula soo wareegto
Next articleJuventus iyo De Ligt oo isha ku haya inay arkaan heshiiska Chelsea oo guulaysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here