Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa loo sheegay in tababarihii u beddeli lahaa Jurgen Klopp aanu ka fogeyn oo uu joogo horyaalka Premier League, isla markaana ay tahay in aanay welwelin haddii uu ka tago macallinka siddeedda sannadood soo hoggaaminayay ee looga yeedhayo xulka Germany.
Jurgen Klopp oo Liverpool tababare usoo ahaa tan iyo sannadkii 2015, una qaaday Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup, Club World Cup iyo Community Shield, ayaa waxa si weyn loola xidhiidhinayaa xulka qaranka dalkiisa.
Heshiiska Klopp uu kula jiro Liverpool ayaa soconaya illaa sannadka 2026, waxaana uu dhowaan sheegay in aanu marnaba doonayn inuu ka tago inta uu socdo heshiiskiisan cusub, balse markaas kaddib uu ka fiirsan doono.
Xiddigii hore ee Liverpool ee Danny Murphy ayaa rumaysan in haddaba uu diyaar yahay tababarihii beddeli lahaa Jurgen Klopp oo ay tahay in aanay ka walwalin bixitaankiisa, waxaana uu yidhi: “Aniga ayaa Liverpool u haya jawaabta. Waa in aanay ka walwalin in uu Klopp tegayo, sababtoo ah waxa jooga Roberto De Zerbi.
“De Zerbi waa tababare u diyaarsan inuu la wareego Liverpool. Waxa uu cyaaraa kubbad wanaagsan, waxa uu leeyahay dhaqan xooggan, wax badanna wuu ka baranayay horyaalka tan iyo markii uu yimid Brighton oo uu si heersare ah u wado. Anigu ma arko murashax ka wanaagsan.”