Liverpool wax fursad ah uma haysato inay sii haysato bartilmaameedka Real Madrid ee Trent Alexander-Arnold, sida laga soo xigtay tababarihii hore ee Tottenham Tim Sherwood.
Reds ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League kadib markii ay badisay 7 kulan sideedii kulan ee furitaanka horyaalka premier League.
Alexander-Arnold ayaa caawiye ka noqday laba caawin toban kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan iyada oo xiddiga heerka caalami ee dalka England uu qayb ka yahay afar daafac oo kaliya laga dhaliyay seddex gool Premier League xilli ciyaareedkan oo dhan.
Daafaca Liverpool waa mid ka mid ah seddexda xiddig ee ugu sareysa Reds qandaraaskiisa uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Mohamed Salah iyo kabtan Virgil van Dijk ay la mid yihiin.
Alexander-Arnold ayaa xiiso ka helaya kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer England.
Markii la weydiiyay hadii sida quruxda badan ay Liverpool ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ay ka caawin doonto inay ku qanciso Alexander-Arnold, Van Dijk iyo Salah inay sii joogaan, Sherwood ayaa yidhi”Taasi way caawinaysaa”.
“Waxa aan qabaa in Trent uu baxayo, marka ay Real Madrid ku soo dalbato, wax walba wuu kula guulaystay Liverpool laakiin haatan waxa aan qabaa in uu aadi doono Real Madrid”ayuu sii raaciyay.