Home Suuqa Kala iibsiga Liverpool oo loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto Marco...

Liverpool oo loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto Marco Verratti.

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddigii hore ee kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti.

31-sano jirkaan ayaa haatan ka ciyaara horyaalka Qatar gaar ahaan kooxda Al-Carabi halkaas oo uu kaga biiray kooxda PSG.

Verratti wuxuu soo gabagabeeyay 11 sano oo uu ku sugnaa Parc des Princes, halkaas oo uu u saftay 416 kulan PSG, isagoo kula guuleystay Ligue 1 sagaal jeer.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa leh heer caalami ah, isagoo 55 kulan u saftay Italy tan iyo markii uu u saftay 2012, isagoo ka caawiyay in ay ku guulaystaan Euro 2020.

Sida laga soo xigtay HITC, Liverpool ayaa ka mid ah 4 kooxood oo premier league ah oo loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karaan Verratti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here