Liverpool oo mudnaan Gooni ah siisay xiddiga reer Brazil Roberto Firmino .

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay mudnaanta siisay qandaraaska cusub ee xiddiga reer Brazil Roberto Firmino .

Tan iyo markii uu Reds kaga soo biiray Hoffenheim xagaagii 2015, Firmino waxa uu door muhiim ah ka qaatay guulaha Liverpool ee Jurgen Klopp .

Firmino ayaa intii uu ku sugnaa Anfield waxa uu la qaaday 7 koob oo ay ku jiraan hal Premier League iyo hal koob oo Champions League ah.

Firmino ayaa dhaliyay 9 gool waxana uu caawiye ka noqday 4 gool 21 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan laakiin ma ciyaarin tan ilaa fasaxii koobka adduunka dhaawac dartiis.

Bandhigyadaas ayaa ka dhigay wadar ahaan 107 gool iyo 78 caawin 348 kulan oo uu u saftay kooxda Merseyside.

Iyadoo Liverpool ay ku dhibtooneyso booska sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League , waxaa jirta soo jeedin ah in loo baahan yahay dib u dhis si loo horumariyo natiijooyinka kooxda ee garoonka.

Inkasta oo uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Firmino ayaa wali u muuqda mid ka mid ah qorshayaasha Liverpool ee mustaqbalka.

Sida laga soo xigtay wariyaha Sky Germany ee Florian Plettenberg , 31 jirkaan ayaa la filayaa in loo kordhiyo qandaraaska ilaa 2025.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*