Liverpool oo qorshe ka Laheyn inay qandaraas cusub u soo bandhigto Mohamed Salah

Photo/Getty

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna ku deg degin in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furto xiddiga garabka ka ciyaara ee Mohamed salah .

Isagoo ka hadlay mustaqbalkiisa in ka badan hal jeer toddobaadyadii la soo dhaafay, Salah mustaqbalkiisa Anfield waa mowduuc aad u kulul oo laga doodayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar, kaasoo dhaliyay 111 gool tan iyo markii uu yimid kooxda 2017, qandaraaskiisa haatan waxaa uga harsan labo sano iyo bar.

Inkastoo kooxaha ka soo horjeeda ay fiiro gaar ah u leeyihiin horumar la’aanta ka jirta Merseyside, Daily Mail ayaa sheeganeysa in Liverpool aysan qorsheyneynin inay bilowdo wadahadalada bilaha soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata Premier League ay waqtigooda ku bixin doonto sababo la xiriira saameynta dhaqaale ee cudurka faafa ee coronavirus.

Salah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed kale oo tayo leh Garoonka Liverpool, isagoo ka qeyb qaatay 16 gool iyo afar caawin uu ka sameeyay Premier League iyo Champions League.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*