Liverpool oo tixgalineysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille

(Photo by JEAN-PHILIPPE KSIAZEK/AFP via Getty Images)

Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseenayo xiddiga kooxda Lille Renato Sanches kaasi uu u aqoonsaday in uu yahay bartilmaameedka 1aad haddii Gini Wijnaldum uu ka tago Liverpool suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

23-sano jirkaan ayaa qeyb ka noqday kooxda Benfica shan sano ka hor wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta qiimaha leh ee Golden Boy sannadka soo socda ka dib markii uu kula guuleystay UEFA Euro 2016 xulka qaranka Portugal.

Si kastaba ha noqotee, Renato wuxuu ku guuleystay inuu dib u dhiso kalsoonidiisa isla markaana uu dib ugu soo nooleeyo mustaqbalkiisa Ligue 1 ee Lille wuxuuna bilaabay inuu soo jiito xiisaha qaar ka mid ah dadka ugu caansan Premier League isagoo noqonaya qadka dhexe ee ugu feecan France.

Sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Jurgen wuxuu si dhow isha ugu hayey kubada Sanches wuxuuna aamisanyahay in laacibka reer Portugal uu noqon lahaa mid ku habboon safkiisa haddii Gini uu ka dhaqaaqo Liverpool.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*