Liverpool oo Tixgalineysa inay u dhaqaaqdo Sebastian Walukiewicz.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay miisaameyso inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Cagliari Sebastian Walukiewicz .

Reds ayaa durbaba dardar gelisay daafaceeda ka hor xilli ciyaareedka cusub iyadoo la soo saxiixatay Ibrahima Konate oo ka yimid RB Leipzig, halka Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ay ka shaqeynayaan sidii ay uga soo laaban lahaayeen dhaawacyo muddo dheer ah.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu ka feejigan yahay inuu ku deg dego Van Dijk ama Gomez midkoodna, laakiin sida laga soo xigtay Calciomercato , kooxda ayaa sii xoojin doonta dookha daafaca

Warbixinta ayaa sheegeysa in Walukiewicz ay u aqoonsadeen bartilmaameed kooxda weyn ee Merseyside, iyadoo 21 jirkaan lagu heli karo ugu yaraan 8 milyan oo ginni.

Xiddiga reer Poland ayaa kaga soo biiray kooxda Cagliari kooxda Pogon Szczecin sanadkii 2019 waxana uu 37 kulan u saftay kooxda reer Italy tartamada oo dhan.

Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale horay loogu xamanayay inay xiiseynayaan Walukiewicz, kaasoo wali seddex sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Gli Isolani.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*