Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso kooxda ugu cadcad saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches .
Sanches ayaa si aad ah loola xiriirinayay Wolverhampton Wanderers bishii Ogosto, kooxo badan oo waaweyn ayaa hadda lala xiriiriyay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.
Arsenal iyo Barcelona ayaa la sheegay inay isha ku hayaan xaaladda, iyagoo ka warqaba in Lille ay diyaar u tahay inay iska iibiso ciyaaryahankan oo wax ka yar 18 bilood ka harsan tahay qandaraaskiisa.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional , Liverpool ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto 24-sano jirkaan iyadoo wadahadalo lagu sheegay inay yihiin ‘mid aad u horumarsan’.
Warbixinta ayaa qiraysa in Barcelona aysan haatan awood u laheyn inay heshiis ka gaaraan khadka, taasoo si wax ku ool ah u ogolaaneysa Liverpool inay soo bandhigto hammigooda ku aadan saxiixa ciyaaryahanka.