Home Horyaalka Ingiriiska Liverpool oo Wadahadal Heshiis Ah La Furtay Georginio Wijnaldum

Liverpool oo Wadahadal Heshiis Ah La Furtay Georginio Wijnaldum

0

Liverpool ayaa diyaarisay heshiis cusub oo ay kula soo saxiixaneyso Georginio Wijnaldum, sida ay sheegayaan wararka. Kooxda ka dhisan Premier League ayaa diyaar u ah inay qandaraaska u kordhiso 30 jirkaan, laakiin waxay umuuqataa inay iska indha tireen dalabka ugu weyn ee ciyaaryahanka khadka dhexe.

Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu wiilka reer Holland kusii hayo Anfield. Si kastaba ha noqotee, Liverpool ayaa diiday inay siiso ciyaaryahanka kubada cagta afarta sano ee uu dalbanayo. Waxaa lagu soo waramayaa in Reds ay soo bandhigtay kaliya seddex sano, waxayna umuuqataa in maamulka kooxda aysan diyaar u aheyn inay sameyaan tanaasul.

Si kastaba ha noqotee, Calciomercato ayaa sheeganeysa in Liverpool ay isbedel ku sameysay dalabkeedii ugu dambeeyay iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan Wijnaldum inuu sii joogo England. Sida laga soo xigtay ilaha reer Talyaani, qandaraas cusub ayay miiska saareen kooxda Reds oo mushaar ahaan u dhiganta 115,000 todobaadkii. Aad ayey uga badan tahay tan uu qaato ninka reer Holland maanta.

Liverpool ayaa isku dayaysa inay Wijnaldum qalinka dul dhigto ka hor inta uusan furmin daaqadda jiilaalka iyadoo ciyaaryahanka uu awood u yeelan doono inuu wadahadallo horudhac ah la galo kooxaha dalal kale.

Previous articleRodriguez oo beeniyay isku dhac xulkiisa kadib markii guuldaradii kasoo gaartay xulka Ecuador.
Next articleWararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta Messi, Camavinga, Ramos, Alaba, James, Van Dijk, Wijnaldum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here