Home Suuqa Kala iibsiga Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Juventus

Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Juventus

0

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Federico Chiesa sida ay sheegayaan weerarku.

Liverpool ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga Juventus ee Federico Chiesa maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool wadahadalo la furtay kooxda Juventus si ay ula soo wareegto xiddiga Federico Chiesa.

Juventus ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga iyaga oo xitaa hoos u dhigay qiimaha ay ku iibinayaan xiddiga.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa u furan in uu isaga tago kooxda Juventus una dhaqaaqo horyaalka premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here