Home Wararka Ciyaaraha Liverpool oo wali xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica Enzo Fernandez

Liverpool oo wali xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica Enzo Fernandez

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wali isha ku hayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica Enzo Fernandez ka hor inta uusan u dhaqaaqin mustaqbalka.

21-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa dhowr ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo lala xiriirinayay Liverpool intii lagu jiray xagaagan, inkastoo uu kaliya Benfica kaga soo biiray River Plate bishii June.

Reds ayaa ugu dambeyntii Arthur Melo amaah kaga soo qaadatay Juventus si ay ugu xoojiso safkeeda dhexe maalintii ugu dambeysay, laakiin waxaa la fahamsan yahay inay weli isha ku hayaan inay wax kale ku soo kordhiyaan kooxda.

Xiddiga Borussia Dortmund iyo England Jude Bellingham ayaa loo maleynayaa inuu ku jiro liiska ugu sarreeya, halka Moises Caicedo , Konrad Laimer iyo Douglas Luiz sidoo kale lagu sheegay xulashooyinka suurtagalka ah.

Majaladda Portuguese-ka ah ee O Jogo ayaa ku warameysa in Fernandez uu sidoo kale weli ku jiro radar-ka Liverpool, iyo inay xitaa ka fiirsan karaan inay u dhaqaaqaan da’yarkan bisha Janaayo.

Previous articleManchester United oo soo bandhigtay sawiro cusub oo tababarkooda ah ka hor kulanka Manchester Derby
Next articleHalyeey soo maray Chelsea oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here