Liverpool oo War Naxdin leh ka Heshay Dhaawaca Weeraryahankooda Luis Diaz

Weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu maro qaliin ka dib dhaawac soo gaaray.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia ayaan u soo muuqan kooxda tan iyo markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay Liverpool guuldarada ka soo gaartay Arsenal 9-kii October ee horyaalka Premier League.

Diaz ayaa sare u qaaday soo kabashadiisa horraantii isbuucaan isagoo ku soo laabtay tababarka bilowgii xerada cimilada diiran ee kooxda ee Dubai.

Si kastaba ha ahaatee, 25-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu dib ugu laabto Liverpool si uu qiimeyn dheeri ah u sameeyo ka dib markii uu ka cawday xanuun dhanka jilibka ah oo uu ka dhaawacay kulankii Arsenal.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo , Diaz ayaa haatan la filayaa inuu maro qaliin sabtida, taasoo dib u dhigaysa soo laabashadiisa garoomada.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Diaz uu qarka u saaran yahay inuu garoomada ka maqnaado ilaa bisha Maarso, taasoo dhabarjab ku noqon doonta tababaraha Liverpool Jurgen Klopp .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*