Liverpool oo Xasuuq Sagaal gool ah kala dul dhacday kooxda Bournemouth

Liverpool ayaa carradii heysay kala duldhacday Borunemouth oo ay ku xasuuqeen 9-0 kulankii maanta ka dhacay Anfield, waana guushii ugu horeysay ee Liverpool ay gaarto xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Waa markii ugu horeysay ee ay Liverpool SAGAAL gool ku badiso horyaalka Ingariiska tan iyo markii ay 9-0 ku xasuuqeen Crystal Palace sannadkii 1989.

Min labo gool ay kala dhaliyeen Roberto Firmino iyo Luis Diaz iyo goolal ay dhaliyeen Harvey Elliot, Van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Carvalho iyo gool uu iska dhaliyay daafaca Bournmeouth Mepham ayay Liverpool maanta ku xasuuqday Bounemouth iskuna qortay taariikhda Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa kulankeeda xiga la ciyaareysa kooxda Newcastle united.

Shaxda labada Koox ee Ciyaarta

Liverpool XI: Henderson, Alisson, Firmino, Salah, Van Dijk, Fabinho, Robertson, Joe Gomez, Alexander-Arnold, L. Díaz, Elliott

Subs: Milner, Adrian, Tsimikas, Fabio Carvalho, Van den Berg, N. Phillips, H. Davies, Bobby Clark, Stefan Bajcetic

Bournemouth XI: Smith, Kieffer Moore, Lerma, R. Christie, Lewis Cook, Travers, M. Tavernier, M. Senesi, Mepham, J. Zemura, J. Anthony

Subs: Neto, E. Marcondes, Ben Pearson, Solanke, Billing, Stacey, J. Hill, C. Saydee, owen bevan

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*