Liverpool oo xiiisa Gaar ah u Qabin saxiixa Christian Pulisic

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u haynin in ay uweerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Christian Pulisic xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa kaliya 13 kulan ku soo bilowday Blues xilli ciyaareedkii 2021-22 ee Premier League, waxaana la saadaaliyay inuu aadi doono isbuucyada soo socda.

Qandaraaska Pulisic ee Stamford Bridge wuxuu dhacayaa xagaaga 2024, 23-sano jirkaan ayay ku adkeyd inuu ka saaro weerarka sida Mason Mount , Timo Werner iyo Kai Havertz .

Liverpool ayaa lagu xamanayay inay si gaar ah isha ugu heyso Pulisic xilli ay weerar ku qaadayaan, iyadoo Sadio Mane iyo Divock Origi ay soo gabagabeeyeen waayahooda kooxda ka dhisan Merseyside.

Si kastaba ha ahaatee, saxafiga CBS Sports ee Ben Jacobs ayaa sheegay in Liverpool aysan haatan xiiseyneynin saxiixa Pulisic, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo AC Milan iyo Juventus.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*