Liverpool oo xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jamal Musiala

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Jamal Musiala hadii ay awoodi waayaan inay Jude Bellingham kala soo wareegaan Borussia Dortmund.

Reds ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo la rumeysan yahay inay tartan ugu jiraan saxiixa Bellingham xagaaga soo aadan iyagoo doonaya inay xoojiyaan khadkooda dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Dortmund la filayo inay qiimo weyn ku iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee England iyo kooxaha sida Real Madrid , Chelsea iyo Manchester City oo muujinaya xiisaha, Liverpool ayaa eegeysa xulashooyin kale haddii ay ku guuldareystaan ​​inay helaan adeega Bellingham.

Sida laga soo xigtay The Mirror , Reds ayaa isha ku heysa horumarka Musiala, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka hadii ay waayaan xiddiga heerka caalami ee dalka England.

19-sano jirkaan ayaa xiiso ka helaya Yurub oo dhan ka dib markii uu dhaliyay 22 gool islamarkaana caawiyay 13 kale 90 kulan oo uu u saftay Bayern.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*