Liverpool oo xiriir la sameysay daaficii hore ee Arsenal Sokratis Papastathopoulos’

Daaficii Hore ee Arsenal Sokratis Papastathopoulos ayaa lagu soo waramayaa in uu kasoo muuqday liiska Liverpool .

Markii uu boos ka waayay tababare Mikel Arteta , daafaca dhexe ayaa loo ogolaaday inuu ka tago garoonka Emirates iyadoo la isla ogolaaday horaantii bishaan.

Sida laga soo xigtay The Athletic , Sokratis ayaa la filayaa inuu ku laabto dalkiisa hooyo si uu ugu saxiixo kooxda reer Greek ee Olympiacos .

Si kastaba ha noqotee, isla warbixinta ayaa sheegeysa in Liverpool ay weydiisay haddii 32 jirkaan uu xiiseynayo inuu kala hadlo u dhaqaaqista Anfield.

Jurgen Klopp ayaa la soo saxiixday Sokratis intii uu ku sugnaa Borussia Dortmund, isaga oo u arka ciyaaryahanka inuu yahay xulasho cad oo uu ku buuxin karo dhaawacyada Virgil van Dijk iyo Joe Gomez .

Sokratis ayaa kaliya laba kulan badal kusoo galay sideedii bilood ee ugu dambeysay waqtigiisa Arsenal.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*