Home Wararka Ciyaaraha Maanta Liverpool oo xiriir rasmi ah la sameysay Xidiga kooxda Sporting Lisbon ee...

Liverpool oo xiriir rasmi ah la sameysay Xidiga kooxda Sporting Lisbon ee Pedro Goncalves’

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay durbaba xiriir aan rasmi ah la sameysay weeraryahanka Sporting Lisbon Pedro Goncalves si ay heshiis ula gaaraan.

22 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanayay kooxda Primeira Liga xilli ciyaareedkan, waxaana uu hogaaminayaa gooldhalinta isagoo leh 14 gool – lix gool ayuuna ka badan yahay marka loo eego Sergio Oliveira iyo Mehdi Taremi .

Liverpool ayaa ku dhibtooneysay inay shabaqa soo taabato iyadoo shabaqa soo taabatay dhawaan inkastoo ay ku faani jireen seddexda weerar ee cajiibka ah ee Roberto Firmino , Mohamed Salah iyo Sadio Mane , sidaa darteed Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu xoojiyo xulashooyinka uu xagaagan xaga sare ka haysto.

Sida laga soo xigtay Record , Liverpool ayaa xiriir la sameysay kooxda reer Portugal bishii hore heshiis, Goncalves ayaana weli si joogta ah diirada ugu saaran kooxda heysata horyaalka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in weeraryahankan heerka sare uusan ku tagi doonin qiimo jaban, maadaama uu heysto qandaraaskiisa haatan ee Sporting oo ah € 60m (£ 52.6m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, kaasoo dhacaya 2025.

Liverpool ayaa ka cago jiideysa inay lacag ku shubto suuqa kala iibsiga waxaana dhawaan dhaleeceeyay tababarihiisii ​​hore Graeme Souness ka dib markii ay 4-1 xasuuq ah kala kulmeen Manchester City .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here