Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Wolverhampton Wanderers iyo bartilmaameedka Liverpool Adama Traore ayaan u badneyn inuu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona, sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya Spain.
Waxa uu ku dhibtooday inuu si joogto ah u ciyaaro waqtiga uu ka hoos ciyaarayo tababaraha Wolves Nuno Espirito Santo waxa oo ciyaaray kulan Premier League ah kaliya hal jeer tan iyo guuldaradii 4-0 ee ka soo gaartay West Ham United laba bilood ka hor.
Weeraryahanka Wolves ayaa ka careysan ku lug lahaanshihiisa hoos u dhaca kooxda waa weyn waxaana wadahadalo ku saabsan cusbooneysiinta qandaraaskiisa kooxda Molineux ay u muuqataa inay ku dhacday caqabad.
Reds, Manchester United iyo Arsenal ayaa ka fiirsaday xaaladda ciyaaryahanka ee kooxda Midlands, halka Traore kooxdiisii carruurnimo ee Blaugrana ay u qabto xiiso weyn.
25 jirkaan ayaa ka soo dhex muuqday Blaugrana ka hor inta uusan ka tagin kooxda suuqii xagaaygii ee 2015 isagoo u saxiixay Aston Villa.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay daabacaadda Isbaanishka ee Mundo Deportivo , Adama in kusoo laabto kooxda ka dhisan ee Camp Nou waa mid aan macquul aheen.
Adama ayaa ilaa iyo haatan ku guuldareystay inuu taabto shabaqa xili ciyaareedkan horyaalka PL, walina ma uusan dhalinin wax gool ah ama caawinaad kama uusan sameynin Wolves.
Warar kale, ku guuleystaha kabaha dahabka ee Premier League Kevin Phillips ayaa qaba in joogitaanka Jurgen Klopp ay la micno tahay in Paris Saint-Germain iyo weeraryahanka reer France Kylian Mbappe ay diyaar u yihiin inay dhameystiraan heshiiska.
“Waxaan u maleynayaa in Klopp uu ku qancin karo Mbappe inuu yimaado,” ayuu yiri Kevin markii uu lahadlayey Football Insider.
“Klopp wuxuu heystaa awood uu ku jiidan karo si uu ugu qanciyo ciyaaryahan kasta inuu yimaado Liverpool,” xiddigii hore ee Sunderland ayaa intaas ku daray.