Home Horyaalka Ingiriiska Liverpool oo dayaarisay qiimaha ay ku dooneyso Xherdan Shaqiri’

Liverpool oo dayaarisay qiimaha ay ku dooneyso Xherdan Shaqiri’

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay inay ku iibiso Xherdan Shaqiri lacag dhan 23 milyan oo ginni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

29 jirkaan ayaa 17 kulan u saftay Reds intii lagu jiray ololihii 2020-21 inta badan waxa uu ku dhibtooday inuu soo jiito qaab ciyaareedkiisa, isagoo maareynaya kaliya hal gool iyo afar caawin uu sameeyay kooxda Jurgen Klopp .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa heysta wax ka badan labo sano si uu u dhameesto qandaraaskiisa Anfield, laakiin sida laga soo xigtay Football Insider , Liverpool ayaa dooneysa inay iska dirto ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Ingariiska inay isha ku heyso inay 10 milyan oo ginni ka hesho weeraryahanka, kaasoo kooxda Merseyside uga soo biiray Stoke City aduun 13m 2018.

Shaqiri wuxuu la dhibtooday dhibaato muruqa ah horaantii xilli ciyaareedkaan laakiin wuxuu ku lug yeeshay sagaal ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Liverpool ee Premier League, oo ay ku jiraan afartii kulan ee ugu danbeysay, kuwaasoo dhamaantood ku dhamaaday guuldarooyin.

Guud ahaan, xidigan ayaa dhaliyay sideed gool sagaalna wuu caawiyay 58 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Klopp.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here