Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayay u taallaa shaqo adag oo qayb ka mid ah ay tahay inuu qabto tababare Carlo Ancelotti oo culayska la qaybsan doona Florentino Perez. Khaladaad ay samaysay Real Madrid sannadihii ugu dambeeyey ayaa hadda ku keenaya culays weyn, sababtoo ah waxay dib u dhigeen in ay miiska la fadhiistaan ciyaartoydooda waqtiga qandaraaskoodu dhamaadka ku dhow yahay.
Real Madrid ayaa waxay 12ka maalmood ee foodda inagu soo haya geli doontaa mashquul badan oo ay isku dayi doonto inay ku qanciso lix ciyaartoy oo kooxda koowaad ah in ay heshiisyo cusub saxeexaan, balse dhamaantood ma wada aha inay sii joogayaan, waxayse Los Blancos raadinaysaa heshiis iyo dariiq nabad-gelyo oo aanu khilaaf ka dhalan oo ay iskaga dirayso qaar ka mid ah lixdaas ciyaartoy.
Shan ka mid aha lixdan ciyaartoy ayay Real Madrid u bandhigaysaa qandaraasyo cusub, waxaana walaaca ugu badan uu ka haystaa laba xiddig oo aan la ogeyn waxa ay yeeli doonaan. Midkood ayaa waliba sii daran oo ay suurtogal tahay inuu istaago meel adag, waana Marco Asensio oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Spain oo maarar kala duwan sheegay inuu doonayo inuu sii joogo balse aan wali ogolaanin inuu heshiis cusub saxeexo, isaga oo saluugsan boos la’aanta ku haysata Santiago Bernabeu ayay Real Madrid doonaysaa inay ku qanciso inuu qalinka qaato oo uu heshiis cusub saxeexo.
Sidoo kale, Luka Modric, Toni Kroos iyo Nacho Fernandez ayaa iyagana qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana Modric iyo Nacho ay u dhego nuglaan doonaan Perez, iyadoo la filayo inay saxeexi doonaan heshiisyo cusub, balse Toni Kroos oo la sheegayo inay suurtogal tahay inuu ka fadhiisto gebi ahaanba kubadda cagta ayaa u baahan in Carlo Ancelotti uu si toos ah ula hadlo oo uu ku qanciyo inuu kusii jiro garoomada oo uu waliba Real Madrid usii ciyaaro.
Dani Ceballos oo khadka dhexe boos la’aan ku ah ayaa isagana uu qandaraaskiisu gabogabo yahay, waxaana laga yaabaa in haddii lagu qancin kari waayo inuu heshiis cusub saxeexo, in la iibiyo bisha January ee maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.
Mariano Diaz oo isagana waqtiga heshiiskiisa Real Madrid ay lix bilood ka hadhsan yihiin ayay maamulka kooxdu doonayaan inuu iskaga tago naadiga, waxaanay isku dayi doonaan inay si xor ah ku bixiyaan haddii iib lagu waayo.