Home Horyaalka Ingiriiska Lucas Digne ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixay kooxda...

Lucas Digne ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixay kooxda Everton

0

Horumarka Everton ee Carlo Ancelotti ayaa ku qanciyay daafaca Lucas Digne inuu fulin karo hamigiisa Champions League ee kooxda.

Daafaca bidix ee reer France, oo kooxda yimid xagaagii 2018 kana yimid Barcelona adduun dhan 18 milyan oo ginni, wuxuu saxiixay qandaraas cusub oo uu ku sii dheereynayo joogitaankiisa ilaa 2025

“Waxaan kooxda la leenahay mashruuc weyn, waxaana gaari karnaa wax aad u wanaagsan dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo sanadaha soo socda,” Digne ayaa u sheegay evertontv.

“Waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro Yurub, waxaan doonayaa inaan u ciyaaro xulka qaranka, xulka qarankana tartanku runtii wuu xoogan yahay marka waa inaan u ciyaaro heerka ugu fiican.

“Waxaan ka ciyaaraa horyaalka ugu fiican waxaanan doonayaa inaan ka ciyaaro koobka ugu fiican Yurub, waxaana doonayaa inaan taas ku sameeyo Everton.

“Waxaan arkay horumarka sanad walba tan iyo markii aan ku soo biiray kooxda, waxaan dhiseynaa koox xoogan.

Digne wuxuu leeyahay caawinta ugu badan (lix) daafac Premier League ah xilli ciyaareedkan inkasta oo uu seegay toddobo kulan sababo la xiriira dhaawac canqowga ah oo soo gaaray bishii November.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here