Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoydiisa ay galmo sameeyaan ka hor kulanka – waa haddii aysan ka qeyb qaadaneynin ciyaaraha.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa isha ku hayay isbadalka cajiibka ah ee ka socda Isbaanishka halkaas oo uu ku keenay ciyaartoy da’yar oo aad u xiiso badan. Pedri iyo Gavi ayaa shiday bandhiga kulankii ugu horeeyay ee koobka aduunka ee ay la ciyaareen Costa Rica Arbacadii.
Waxa ay ka caawiyeen La Roja in ay 7-0 ku xasuuqdo kooxda badhtamaha America, kuwaas oo u muuqday mid aad uga liita kulankan.
Markii uu ka hadlayay in ciyaartoydiisa loo ogolaaday inay galmo sameeyaan ciyaarta ka hor, Enrique wuxuu yidhi: “Waa wax aan u arko gabi ahaanba wax caadi ah, waxaan ula jeedaa haddii aad sameeneyso habeen ka hor ciyaarta maaha mid ku habboon. Laakiin waad sameyn kartaa.”
Waxay ku soo beegantay iyadoo ay jirto khuraafaad fiday oo tilmaamaysa in galmo la sameeyo ka hor ciyaarta weyn ay saameyn ku yeelan karto waxqabadka ciyaartooyga. Si kastaba ha ahaatee, taasi waxaa meesha ka saaray cilmi-baarayaashu.