Luis Suarez oo diiday inuu raaligelin ka bixiyo dhacdadii kubad gacanta ee Ghana

Weeraryahankareer Uruguay Luis Suarez ayaa diiday inuu raaligelin ka bixiyo kubad uu gacanta ku dhaliyay Ghana ciyaartii wareega 8da ee koobka aduunka 2010 .

Suarez ayaa casaan loo taagay ka dib markii uu gacanta ku dhigay gool ku laad uu dhaliyay Dominic Adiyiah qeybtii ugu dambeysay ee waqtigii dheeriga ahaa; Xulka Ghana ayaa helay fursad ay ku badiyaan rigooreyaal, iyadoo ciyaarta ay ku soo idlaatay 1-1, balse Asamoah Gyan ayaa rigoore ka qasaariyay, waxaana natiijada ciyaarta ku badisay Uruguay.

Labada xul ayaa haatan isku diyaarinaya in ay mar kale wada ciyaaraan wareega Group-yada ee tartanka 2022-ka, iyadoo labada xul ay ku dagaalamayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega 16-ka.

Ghana ayaa u soo bixi doonta wareega 16ka haddii ay ka badiso Uruguay, halka barbaro ay ku filnaan lahayd haddii South Korea ay ka badiso Portugal.

Dhanka kale Uruguay waa ay maqnaan doontaa hadii laga badiyo ama bareejo,laakin hadii ay guul gaarto xulka South America ayaa soo bixi doona,waana in South Korea aysan ka badinin Portugal.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*