Home Horyaalka Spain Luis Suarez oo si bilaash ah uga tagi kara kooxda Atletico Madrid...

Luis Suarez oo si bilaash ah uga tagi kara kooxda Atletico Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagan

0

Atletico Madrid weeraryahankeeda Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu Kooxda uga tagi karo beeca Xorta marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Xiddiga reer Uruguay ayaa kaga soo biiray kooxda Diego Simeone kooxda Barcelona bishii September ee la soo dhaafay, waxaana uu dhaliyay 16 gool 18 kulan oo La Liga ah.

Goolasha uu dhaliyay Suarez ayaa ka caawisay inay Atletico hogaanka ku heyso shan dhibcood oo nadiif ah iyagoo labo kulan u harsan inay la ciyaaraan Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Shabakada Isbaanishka ee Marca ayaa sheeganeysa in heshiiskii labada sano ahaa ee uu Suarez saxiixay sanadkii hore uu ka koobnaa qodob lagu jebin karo, taasoo u ogolaaneysa inuu helo koox cusub dhamaadka xilli ciyaareedkaan hadii uu doonayo

Si kastaba ha ahaatee, 34 jirkaan ayaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha Wanda Metropolitano isla markaana uusan haatan dooneynin inuu baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here