Luis Suarez oo u furan inuu ku soo laabto Liverpool xagaagan’

Atletico Madrid xidigeeda weerarka Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu u furan yahay fikradda ah dib ugu soo laabashaa Liverpool xagaagan.

34 jirkaan ayaa Atletico kaga soo biiray Barcelona bishii September ee la soo dhaafay, waxaana uu qaab ciyaareed aad u fiican ku qaadanayaa kooxda caasimada ka dhisan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 19 gool 32 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Qandaraaska Suarez ee Wanda Metropolitano ayaa dhacaya bisha Juun ee soo socota, inkastoo warbixin dhawaan soo baxday ay sheegtay in Liverpool ay dooneyso inay dib ula soo saxiixato xiddiga reer Uruguay suuqa soo socda.

Sida laga soo xigtay TodoFichajes , weeraryahankan qibrada leh ayaa xiriir ‘adag’ la leh tababaraha Atletico Diego Simeone.

Natiijo ahaan, warbixinta ayaa sheeganeysa in Suarez uu la yeelan doono wadahadalada Liverpool xagaagan, inkastoo Inter Miami sidoo kale la sheegayo inay dooneyso inay keento MLS.

xidiga South America ayaa dhaliyay 82 gool 133 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Merseyside intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014 ka hor inta uusan aadin Barca, halkaasoo uu ku qaatay lix xilli ciyaareed.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*