Luka Modric oo ka hadlay Heshiiska Cusub uu u Saxiixay Real Madrid

Luka Modric ayaa u saxiixay Real Madrid heshiis cusub oo 12 bilood ah .

Halyeeyga ayaa qirtay inuu had iyo jeer qorsheynayay inuu la sii joogo Los Merengues.

Waxa uu yidhi, “Aad ayaan u faraxsanahay, waa waxa aan doonayay. Aad baan ugu hanweynahay inaan sii wato xidhashada shaadhkan. Aad ayaan ugu faraxsanahay, anigoo leh jir dhismeed si aan u sii wato tartanka heerka ugu sarreeya, waxaana doonayaa inaan taas ku sii wato Real Madrid .

“Waqti dheer ayaan sheegayay: Real Madrid waa kooxdayda, waxaan doonayay inaan halkan sii joogo.

“ Real Madrid waa kooxda ugu fiican adduunka. Waa naadi gaar ah, oo leh taariikh cajiib ah, oo malaayiin taageerayaal ah ku leh adduunka oo dhan. Ma jiro wax ka weyn Real Madrid . In aan sii wato xirashada funaanaddan waa sharaf, ku ciyaarista Bernabéu waxay ii tahay riyo. Waxa kale oo aan dareemayaa in ay taageerayaashu aad u jecel yihiin, waxana aan doonayaa in aan sii wado soo celinta jacaylkan aniga oo si fiican u shaqaynaya oo wax walba ku bixinaya garoonka dhexdiisa.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*