Luka Modric ayaa mar kale ku celiyay sida uu u doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhameysto kooxda Real Madrid , waxaana uu taageero buuxda siiyay tababaraha kooxda Zinedine Zidane .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa qandaraaskiisa Bernabeu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu kala hadli karaa heshiis bilaash ah bisha Janaayo.
Madrid ayaa la rumeysan yahay inay ka gaabsatay inay wadahadal la furto Modric si ay heshiis cusub uga saxiixdo, inkastoo ay warar xan ah ka imaanayeen kooxaha Inter Milan iyo Tottenham Hotspur.
Modric ayaa horay u sheegay inuusan qorsheyneynin inuu u dhaqaaqo xagaaga soo aadan, ka hor kulanka Champions League ee Madrid ay Arbacada la ciyaareyso Inter , waxa uu carabka ku adkeeyay in muhiimadiisa ay tahay inuu sii joogo caasimada Spain.
“Waxaan dareemayaa wanaag, waxaan dareemayaa awood, waxaana wali heystaa kubbado badan iyo xoogag aan kusii socdo, laakiin aan aragno waxa dhaca mustaqbalka,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. Dad badan ayaa hadlaya oo wax ka weydiinaya xaaladdeyda laakiin aan aragno waxa dhaca.
Modric ayaa ceiyaaray 12 jeer kooxda Madrid tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka Inter .