Home Horyaalka Spain Luka Modric oo ogolaaday heshiiska cusub ee Real Madrid.

Luka Modric oo ogolaaday heshiiska cusub ee Real Madrid.

0
Photo/Reuters

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Los Blancos.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa weli ah xiddig muhiim u ah kooxda heysata horyaalka La Liga isagoo jira 35, inkastoo heshiiska haatan ee Modric uu dhacayo lix bilood ka dib.

Modric  waxaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo kooxdiisii ​​hore ee Tottenham Hotspur , halkaasoo uu mar kale kula xiriiri lahaa tababarihii hore ee Blancos Jose Mourinho.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , Modric wuxuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Real Madrid ilaa xagaaga 2022, waqtigaas oo uu noqon doono 36 jir.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa horay u sheegay inuu ku faraxsan yahay Bernabeu isla markaana uu jeclaan lahaa inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo caasimada Spain, halkaasoo uu kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League tan iyo markii uu yimid 2012.

Modric ayaa durbaba ka soo muuqday 20 jeer tartamada oo dhan kooxda Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool isla markaana dhigay mid kale.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here