Home Horyaalka Ingiriiska Maamulaha Man city Pep guardiola oo yiri ma keenayo wax weeraryahan ah...

Maamulaha Man city Pep guardiola oo yiri ma keenayo wax weeraryahan ah bisha January.

0

Tababaraha kooxda manchester city pep guardiola ayaa ka hadlay hadii kooxdiisa lagu soo darayo sixiixyo cusub iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada uu ka harsan yahay maalmo kaliya ayuu Pep guardiola sheegay inuusan Suuqa ka qaadan doonin ciyaartoy weerarka ka ciyaara.

Man city ayaa dhibaato dhaawac dhexda ka gashay kadib markii sergio aguero uu inta ugu badan ku maqanaa dhaawac xilli ciyaaredkan kuna darso kulankii ugu dambeeyey Sabtida ay guusha ka gaareen kooxda Southampton ay seegeen sergio Aguero iyo gabriel Jesus.

Pep Guardiola ma filayo inuu keeno weeraryahan cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo inkasta oo ay dhibaato ka haysato dhanka gooldhalinta Manchester City

man City ayaa dhalisay kaliya 19 gool 13 kulan oo ay ciyaareen Premier League 18 waa ay ka yar yihiin isla heerkaan xilli ciyaareedkii hore Xiddiga ugu goolasha badan kooxda Sergio Aguero ayaa seegay inta badan xilli ciyaareedkaan isagoo ka soo kabsaday qalliin jilibka ah halka Gabriel Jesus uu sidoo kale seegay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Southampton sabtidii.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here