Home Horyaalka Spain Maamulka garoonka Barcelona oo joojiyay Lionel Messi

Maamulka garoonka Barcelona oo joojiyay Lionel Messi

0

Kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa waxaa xiray maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Barcelona isla markii ay diyaaradiisii ​​gaarka ahayd kasoo degtay kadib duulimaad dheer oo kaga soo kicitimay dalka Argentina, kadib markii uu Lionel ka qayb galay is reeb reebka koobka adduunka ee 2022 oo uu dalkiisa ciyaaray Wargayska “Sport” oo aad ugu dhaw kooxda Barcelona ayaa soo wariyay in Messi lagu sameeyay kormeer buuxa, gaar ahaan saraakiisha cashuuraha, su’aalo badana la waydiiyay.

Waxaa la sheegtay in qabashadu ay keentay xanaaqa Messi sababtoo ah wuxuu ku sugnaa garoonka diyaaradaha in ka badan laba saacadood, si loogu daro saacadaha dheer ee safarka, taasoo u dhiganta ilaa 15 saacadood.

Nidaamyada kormeerka ee laxiriira diiwaanka canshuurta ee Messi, iyo qodobo kale oo qaanuune ah, maadama loo yeeray duuliyihii Messi, waxaana la weydiiyay dhamaan waraaqihiisii ​​sharciga ahaay. Kadib dhammeystirka dhammaan nidaamyada, Messi wuxuu la fuulay gaariga xaaskiisa wuxuuna ku noqday gurigiisa. Messi ayaa la filayaa inuu maanta ku biiro tababarka kooxda Barcelona si loogu diyaar garoobo kulanka “LaLiga” ee sabtida soo socota ka dhici doonta Atletico Madrid.

Ciyaaro.com
Previous articleManchester United oo ugu horeysa Saxiixa Xidiga Eduardo Camavinga
Next articleGuardiola oo sii joogi doonaa Man City ilaa 2023

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here