Maamulka Liverpool oo diiday in ay wax ka bedelaan qandaraaska Salah

Mohamed Salah iyo maamulka kooxda Liverpool ayaan u dhawaan in ay heshiis ka gaadhaan heshiiska cusub ee weeraryahanka.

Salah ayaa berito gali doona sanadka ugu dambeeya ee heshiiskiisa.

Mirror ayaa sheegaysa in Salah iyo Liverpool ay wali wax yar kala fog yihiin ilaa iyo inta ay ku heshiinayaan shuruudaha ay khusayso qandaraaska cusub ee 30 jirka.

Salah ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa isaga oo si xor ah uga tagi doona kooxda Liverpool xagaaga dambe hadii aan heshiis la gaarin.

Waxaa la sheegay in FSG aysan dooneynin inay jabiso qaab dhismeedka mushaaraadka Liverpool si ay u sugaan mustaqbalka Salah, waxaana ciyaaryahanka Masar uu hoos u dhigi doonaa dalabkiisa hadii uu saxiixo heshiis cusub.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*