Home Warar Ciyaaraha Maanta Maamulka Premier League oo sharaxay sababtii kaadhka cas loogu Taagay xiddiga Leandro...

Maamulka Premier League oo sharaxay sababtii kaadhka cas loogu Taagay xiddiga Leandro Trossard

0

Maamulka Premier League ayaa sharaxay sababtii kaadhka cas loogu Taagay xiddiga Leandro Trossard kulankii Premier League.

Leandro Trossard ayaa laga saaray kulankii kooxdiisu bar-baraha 2/2 ah la gashay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga Leandro Trossard oo wakhti hore oo ciyaarta ah loo taagay kaadh digniin ah ayaa ciyaarta looga saaray kaadhkii 2-aad ee digniinta ahaa.

Premier League ayaa haatan sheegay in sababta xiddiga Leandro Trossard looga saaray ahayd kubadii uu laaday.

Xiddiga Leandro Trossard ayaa lagu dhigay khalad uu ka galay xiddiga Bernardo Silva laakiin xiddiga ayaa si kas ah u fogeeyay kubada taas oo keentay in uu garsooruhu isku raaciyo kaadhka digniinta 2-aad iyo kaadhka cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here