Macalin Ole Gunnar Solskjaer oo dhigay rikoor aan loo baahnayn guuldaradii RB Leipzig kadib

Photo/Reuters

Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhigay rikoor aan la rabin ka dib markii Red Devils ka hartay Champions League , iyadoo guuldarro 3-2 ah kasoo gaartay RB Leipzig habeenka Talaadada.

Leipzig ayaa sii xajisatay guul taasoo u aragtay inay u gudbeen wareega 16ka xili Red Devils in iskaga hareen Horyaalka.

Ka dib guuldaradii murugada laheyd ee Jarmalka, Solskjaer ayaa haatan laga badiyay lix ka mid ah 10kiisii ​​kulan ee ugu horeysay Champions League ee uu Hogaaminayo – waana tababarihii ugu horeeyay ee sidaas sameeya intii uu joogay koox Ingariis ah.

Red Devils ayaa mar hore guuldaro kala kulantay Paris Saint-Germain iyo Istanbul Basaksehir tartankan xilli ciyaareedkaan ka hor guuldaradii Talaadadii ka soo gaartay Leipzig, wiilasha Solskjaer ayaa sidoo kale ka hor yimid Barcelona laba jeer iyo PSG hal jeer xilli ciyaareedkii 2018-19.

United waa inay si dhakhso leh iskaga jaftaa boodhka ka hor inta aysan ku soo dhaweyn Manchester City garoonka Old Trafford kulanka sabtida ee Premier League.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*