Home Wararka Ciyaaraha Madaxa Barcelona oo ka hadlay heshiiska Robert Lewandowski iyo waxa ka jira

Madaxa Barcelona oo ka hadlay heshiiska Robert Lewandowski iyo waxa ka jira

0

Agaasimaha kooxda Barcelona Mateu Alemany ayaa beeniyay in kooxdu ay heshiis la gashay xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski .

Weeraryahanka reer Poland ayaa qandaraas kula jira Bavaria ilaa June 2023, laakiin isagoo ilaa hadda diiday inuu kordhiyo qandaraaskiisa, waxaa soo baxay warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa Jarmalka.

Iyada oo heshiis suurtagal ah oo loogu talagalay Erling Braut Haaland uu mugdi galay waxaa si weyn loo soo wariyay in Barcelona ay isha ku hayso xaaladda Lewandowski beddelkiisa.

Warar qaar ayaa sheegaya in 33-sano jirkaan uu xitaa heshiis la gaaray kooxda Catalan ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaaga, laakiin madaxa Barca ayaa ku gacan seyray wararkaas.

“Ma jirto wax heshiis ah oo aan la galnay weeraryahanka, taasi waa mala-awaalka saxaafada ee aad ugu wanaagsan buuxinta boggaga,” Alemany ayaa ku sharaxay wareysi ka hor inta uusan bilaabanin kulanka Eintracht Frankfurt Khamiista.

“Ma ahan run, hadii aan dooneyno isaga, waxa ugu horeeya ee aan sameyn laheyn ayaa ah inaan la hadalno kooxdiisa”.

Mawqifka Bayern ayaa weli ah in Lewandowski uu sii ahaan doono ciyaaryahankooda xilli ciyaareedka soo socda, kaasoo uu u dhaliyay 47 gool xilli ciyaareedkan.

Previous articleIsku Aadka Semi-finalka Europa League iyo Europa Conference League oo la Sameeyay
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Jimco Ah 15 Abriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here