
Madaxa kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa todobaadkan ku sugan dalka Ingiriiska.
Ausilio ayaa waqti ku qaatay London isagoo doonayay inuu heshiis la galo Chelsea si uu u helo Romelu Lukaku .
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda Leicester City .
La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Ausilio uu Leicester wax ka waydiiyay helitaanka Caglar Soyuncu .
Daafaca Borussia Dortmund Manuel Akanji ayaa sidoo kale loo soo bandhigay Inter isbuucaan.
Be the first to comment