Madaxa Juventus Arrivabene oo ku dhawaaqay Bixitaanka Dybala

Madaxa Juventus Maurizio Arrivabene ayaa ku dhawaaqay in Paulo Dybala loo ogolaan doono inuu baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha June.

Wadahadaladii heshiiska cusub ayaa burburay, Dybala ayaana hadda bixi doona.

Arrivabene ayaa yiri, “Isbeddelka ugu muhiimsan waa in Juventus aysan cusbooneysiinin qandaraaska Paulo Dybala .

“Iyada oo la soo gaday Janaayo, imaatinka Vlahovic, Paulo booskiisu ma ahayn mid sugan. Taasi waa sababta go’aanka noocan ah loo door biday.

“hore ayaan uga hadlay, qofna weligii ma su’aal gelin awooda Paulo. Waxaa jiray tixgalin la sameeyay oo ku saabsan muuqaalka, dhererka iyo tixgelinta maaliyadeed.

Go’aanka waa la gaaray. Kulanka maanta waxa uu ahaa mid saaxiibtinimo, oo ixtiraam ku dheehan tahay”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*