Agaasimaha kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uusan ka tagi doonin kooxda mustaqbalka dhow.
35 jirkaan ayaa dhaliyay 73 gool 95 kulan oo uu u saftay Juve tan iyo markii uu ka yimid Real Madrid , oo ay ku jiraan sideed gool lix kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2020-21.
Ronaldo qandaraaska uu kula joogo Old Lady wuxuu dhacayaa xagaaga 2022, laakiin Manchester United iyo Madrid ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka reer Portugal toddobaadyadii la soo dhaafay.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in da ‘yarkii hore ee Sporting Lisbon uu la xiriiray shaqsiyaad sar sare oo ka tirsan Bernabeu si uu ugala hadlo suurtogalnimada uu ugu laabanayo caasimada Spain.
Si kastaba ha ahaatee, Paratici ayaa qashinka ku daray warar xan ah oo sheegaya in weeraryahanku uu ka tagayo kooxda.
“Waxaan kaa xaqiijin karaa mustaqbalka Cristiano Ronaldo waa Juventus,” Paratici ayaa u sheegay DAZN . “Ahmiyad badan ma siinno wararka xanta ah, waxaa jira warar badan maalin walba.”
Kabtanka reer Portugal ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay Juve 2-0 kaga badisay Cagliari kulan ka tirsan Serie A sabtidii.