Madaxa Juventus Cherubini oo London u jooga Wada-hadalo ku aadan kooxaha Arsenal iyo Manchester United

Agaasimaha Isboortiga Juventus Federico Cherubini ayaa maanta ku sugan magaalada London halkaas oo uu wadahadalo ka wado.

Tuttosport ayaa sheegtay in Cherubini uu u duulay caasimadda si uu u soo gabagabeeyo heshiiska xiddiga Manchester United ee Paul Pogba.

Laakiin Cherubini ayaa sidoo kale rajeynaya inuu ku laabto Turin isagoo heshiis la gaaray labada ciyaaryahan ee Arsenal Gabriel Maghalaes iyo Thomas Partey .

Juventus ayaa diyaar u ah inay dib u dhis weyn ku sameyso xagaagan, iyadoo Paulo Dybala iyo Giorgio Chiellini ay beeca xorta ah kaga tagayaan.

Ciyaartoyda sida Aaron Ramsey , Arthur, Adrien Rabiot iyo Alvaro Morata ayaa sidoo kale qarka u saaran inay baxaan.

Max Allegri ayaana liiska uu doonayo ku daray saddex ka mid ah xiddigaha ugu sarreeya Prem.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*