Madaxa Juventus Nedved oo la kulmay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd Pogba

Kooxda Juventus ayaa dadaal ugu jirta in ay heshiis la gaadho xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba todobaadkan.

Pogba, oo qandaraaskiisa United ka dhacay bishii June, ayaa la sheegay inuu heshiis la gaaray Juve si uu ugu laabto Turin xagaagan.

Tuttosport ayaa sheegaysa in madaxweyne ku xigeenka Juve Pavel Nedved uu sidoo kale la kulmay Pogba maalmihii ugu dambeeyay si uu u dhamaystiro heshiiska.

Kalsooni ayaa ka jirta Turin in Pogba si uu heshiis cusub u saxiixo inkastoo PSG ay weli xiriir la leedahay.

Jahwareerka ku aadan xaalada tababare Mauricio Pochettino ayaa fursad siineysa booska Juve.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*