Madaxa kooxda Bayern Munich oo Xaqiijiyay in David Alaba uu ka tagayo kooxda

Photo/Alaba

Gudoomiyaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa shaaca ka qaaday in David Alaba uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda Jarmalka.

28 jirkaan, oo lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo ka dhisan Yurub oo ay ku jiraan Real Madrid , Paris Saint-Germain iyo Chelsea , ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 30ka Juun, 2021, daafaca ayaa wadahadalo la yeelan kara kooxaha kale laga bilaabo 1da bisha Janaayo.

Bayern ayaa wadahadal la yeelatay Alaba iyo wakiiladiisa heshiiska cusub, si kastaba ha ahaatee wali wax heshiis ah ma gaarin, Rummenigge ayaa hada umuuqdaa inuu aqbalay in xidiga Austrian-ka uu hada tagayo.

“Bayern waxay sameysay wax walba oo aan awoodno si aan isugu dayno oo aan heshiis u gaarno. Wadahadal badan ayaan yeelanay, laakiin jawaabo ayaan ka dooneynay dhammaadka Oktoobar. Rummenigge ayaa u sheegay MARCA .

“Waxa aan doonayo inaan ku cadeeyo ayaa ah in dalabkeena uu muujiyay sida saxda ah ee aan u qiimeyno isaga, laakiin ma uusan aqbalin.”

Rummenigge ayaa sidoo kale sheegay inuusan “waxba ka ogeyn wararka xanta ah ee Real Madrid” isla markaana uusan ka warqabin kooxo xiiseynaya inay Alaba kula soo wareegaan beeca xorta ah.

Alaba, oo Bayern Munich kaga soo biiray Austria Wien 2008, ayaa in ka badan 400 oo kulan u saftay kooxda, isagoo kula guuleystay sagaal horyaal oo Bundesliga ah iyo sidoo kale laba koob oo Champions League ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*