Madaxa Man City Soriano oo ka hadlay go’anka in Barcelona laga iibiyo Bernardo Silva

Madaxa Manchester City Ferran Soriano ayaa ka hadlay mustaqbalka Bernardo Silva .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona .

Silva ayaa doonayay in uu ka tago England in muddo ah, laakiin waxa uu sidoo kale ku celiyay in uu ku faraxsan yahay City iyo sida uu uga go’an yahay kooxda.

Markii uu watay baabuurkiisa, wariye ayaa laga soo duubay muuqaal isagoo weydiinaya Soriano, “Bernando ma sii joogo magaalada?”

“Dabcan,” Soriano ayaa ku jawaabay, isagoo si wax ku ool ah u soo afjaraya mala-awaalka ku saabsan mustaqbalka Bernardo.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxaa ka go’an inay hesho xidigan, xitaa haddii ay ka iibineyso Frenkie de Jong .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*