Home Horyaalka Ingiriiska Madaxda Liverpool oo shaki ka qaba mustaqbalka dheer ee Jurgen Klopp’

Madaxda Liverpool oo shaki ka qaba mustaqbalka dheer ee Jurgen Klopp’

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso suurtagalnimada uu Jurgen Klopp ku tagayo sannadaha soo socda.

53 jirkaan ayaa si caam ah ugu hogaamiyay Reds hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa uu keenay Champions League.

Liverpool ayaa ku dhibtooday xilli ciyaareedkii 2020-21, in kastoo, hadda la dagaallameyso booska afarta sare , iyagoo shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee West Ham United.

Sida laga soo xigtay The Mirror , madaxda Liverpool ayaa shaki ka qaba mustaqbalka fog ee Klopp, iyadoo tababarihii hore ee Borussia Dortmund loo arkaa inuu yahay musharaxa hogaaminaya inuu bedelo Joachim Low oo ah tababaraha Jarmalka .

Warbixinta ayaa sheegtay in Low uu ka tagi karo booskiisa ka dib Koobabkii Yurub ee xagaagan ama dhamaadka Koobka Adduunka ee 2022, markaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo.

Kooxda ka dhisan Merseyside ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Steven Gerrard dooqa koowaad ee ay ku buuxinayaan booska Klopp, iyadoo xiddigii hore ee khadka dhexe uu wacdaro dhigay intii uu hogaaminayay Rangers .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here