Madaxda Manchester United oo ku sugan Barcelona heshiis ku aadan Frenkie de Jong

Madaxa fulinta Manchester United Richard Arnold iyo agaasimaha kubada cagta John Murtough ayaa labadoodaba lagu sawiray magaalada Barcelona iyadoo ay socoto hadal heynta ku saabsan mustaqbalka Frenkie de Jong .

De Jong ayaa la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee Man United xagaagan, laakiin Red Devils ayaan ilaa hadda awoodin inay xaqiijiso saxiixiisa, iyadoo loo maleynayo in heshiiska uu noqon doono mid aad u adag.

Arnold iyo Murtough uma aysan safrin Thailand si ay u bilowdaan safarkii xilli ciyaareedka cusub ee Man United, waxaana taas bedelkeeda lagu sawiray Barcelona, ​​sida laga soo xigtay Manchester Evening News , labada nin ayaa isku dayaya inay dhameystiraan saxiixa xidigan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in madaxda Man United ay la kulmeen agaasimaha kooxda Barcelona Mateu Alemany , agaasimaha maamulka Rafael Yuste iyo la taliyaha dhanka ciyaaraha ee Jordi Cruyff .

Dhanka kale, waxaa la fahamsan yahay in labada nin ay kulan la qaadan karaan De Jong si ay ugu qanciyaan 25 jirka inuu u dhaqaaqo Old Trafford inkastoo uu doonayo inuu sii joogo Camp Nou.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*