Madaxda maqaaxida KFC oo ku hanjabaya inay talaabo sharci ah ka qaadayaan Kylian Mbappe

Madaxda maqaaxida KFC ee Faransiiska ayaa ku hanjabaya inay talaabo sharci ah ka qaadayaan Kylian Mbappe ka dib markii uu go’aansaday inuusan ka qeyb qaadanin sawirkii xulka qaranka France ee lagu xayaysiinayay maqaaxida.

Mbappe ayaa xilli ciyaareedkan wajahaya arimo badan oo la xiriira hab dhaqankiisa, sida inay isku dhaceen Neymar iyo xaqiiqda ah inuusan xilli ciyaareedkan caawinin Neymar ama Messi.

Xitaa markii uu tagay xulka qaranka, hadalheynta Mbappe ma aysan joogsanin, iyadoo isniintii uu 23 jirkaan diiday inuu ka qeyb qaato sawirka xulka ee xayaysiinada.

Mbappe ayaa diiday inuu sawirka qeyb ka noqdo isagoo cuskanaya xuquuqdiisa muuqaalka, wuxuu su’aalo ka qabaa shirkadaha ay xulka xayaysiinayaan iyo sida ay u isticmaalayaan sawiradiisa laakiin diidmadiisa lama xiriirto lacag.

Waxaa soo baxday in sawirkii uu diiday Kylian Mbappe inay aheyd mid xayaysiin loogu sameynayay maqaaxida KFC, madaxweyne ku xigeenka KFC France Alain Beral ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan inay talaabo sharci ah ka qaadaan xiddigii hore ee Monaco.

“Waxaan lacag ku bixinay wax iska cad. Haddii aan ka maarmi weyno waxaan qaadeynaa talaabo sharci ah” ayuu Beral u sheegay Sport Business Club.

Mbappe ayaa diidan inuu xayaysiiyo shirkadaha cuntada fudud ee aan caafimaadka laheyn iibiya iyo shirkadaha qamaarka, iyadoo xiriirka kubada cagta Faransiiska ay sheegeen inay dib u eegis ku sameynayaan siyaasadooda la xiriirta xayaysiinta.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciyaartooy ay diidaan inay ka qeyb qaataan xayaysiinta xulkooda, iyadoo Cristiano Ronaldo uu yahay tusaalaha ugu weyn.

Weeraryahanka Portugal ayaa iska diiday labo dhalo oo cabitaanka Coca-Cola isagoo shir jaraa’id qabanayay intii uu socday Euro 2020, wuxuuna ka wareejiyay kaamirada isagoo sheegay inaysan caafimaadka u fiicneyn.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*