Madaxweynaha AC Milan Scaroni oo ka hadlay heshiiska Kessie; iyo Xaalada Pioli

MEDINA/AFP/Getty Images)

Madaxweynaha AC Milan Paolo Scaroni ayaa qirtay in wadahadalada qandaraaska cusub ee Franck Kessi ay sii socdaan.

Isagoo la hadlaya RadioRai , Scaroni wuxuu yiri wada -xaajoodku wuu sii socdaa ciyaaryahanka khadka dhexe.

Wuxuu yiri, “Dhammaanteen waxaan aragnay Kessie oo aad u mashquulsan shalay (kulankii Lazio ), waxaan rajeynayaa inuu Milan sii joogi karo muddo dheer. (Paolo) Maldini iyo (Ricky) Massara ayaa jooga. Way shaqeynayaan, waxaan jirta rajo wanaagsan.

“Waxa ay aheyd ciyaar weyn, waxaa dhihi lahaa hadalkaas oo kaliya iyo in heshiiska uu meel wanaagsan noo marayo.

Scaroni ayaa sidoo kale ku adkeysanaya in tababare Stefano Pioli uusan marnaba shaki gelin xilli ciyaareedkii hore.

Wuxuu intaas ku daray: “Waligiis ma uusan shakin, ma jirto cid weligeed su’aal gelisay Pioli.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*