Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta oo ka hadlay wararka la isla dhexmarayo ee Cristiano Ronaldo ku aadan

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in uu dhawaan casho la qaatay wakiilka kubbada cagta ee Jorge Mendes laakiin waxa uu diiday in uu shaaca ka qaado in mustaqbalka Cristiano Ronaldo uu yahay mawduuc laga wada hadlay.

Ronaldo ayaa la sheegay in uu Manchester United ka codsaday in ay dhagaystaan ​​dalabyada ay u soo jeedinayaan suuqa hadda jira, iyadoo xiddiga reer Portugal uu doonayo in uu isaga tago Old Trafford ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Chelsea , Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kooxaha loo arko inay xiiseynayaan 37 jirkaan, halka ay sidoo kale jiraan soo jeedin ah inuu ku laaban karo Real Madrid .

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Barcelona ay si gaar ah isha ugu haysay xaalada, iyadoo madaxweynaha kooxda Laporta uu dhawaan la kulmay wakiilka weeraryahanka Mendes.

Laporta ayaa xaqiijiyay in uu casho la qaatay Mendes si ay uga wadahadlaan ganacsiga suuqa kala iibsiga balse uusan diyaar u ahayn in uu shaaca ka qaado in Ronaldo la soo hadal qaaday iyo in kale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*