Garabka Galatasaray Baris Alper Yilmaz ayaa maanta lagu arkay magaalada London.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Arsenal iyo Tottenham .
Ajanspor ayaa sheegtay in Yilmaz uu Instagram-ka soo dhigay sawir u muuqday isaga oo ku sugan London isagoo dhoola cadeynaya wajigiisa.
Si kastaba ha ahaatee, sawirka markiiba waa la tirtiray.
Waxaa sidoo kale la sheegay in wakiilka Yilmaz uu maanta imaan doono London si uu wadahadalo la qorsheeyay ula yeesho Spurs iyo Arsenal todobaadkan.