Manchester City ayaa isku diyaarineysa dalab ay ka gudbiso weeraryahanka Valencia Lee Kang-in , sida laga soo xigtay warbaahinta ingariiska
19 jirkaan ayaa si joogta ah ugu jiray booska keydka ee La Liga xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu ku soo bilowday lix ka mid ah 11 kulan oo ay ciyaareen Valencia xilli ciyaareedkan.
Shabakada Isbaanishka ee La Razon ayaa soo jeedineysa in Lee uusan ku faraxsaneyn garoonka Mestalla, si kastaba ha ahaatee, uusan qandaraaska u dheereyn doonin wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
Man City ayaa la sheegayaa inay isha ku heyso waxyaabaha soo kordhay waxayna ka mid tahay kuwa sugaya inay u dhaqaaqaan xiddiga reer South Korea, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 80 milyan oo ginni (£ 72.4m).
Valencia ayaa la filayaa inay lacag kaash ah ku iibiso hadii Lee uusan qalinka dul dhigin ka hor xagaaga soo aadan-